Talaado, Juun 23, 2026 –{CBB}Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Madaxtooyada Maamulkiisa ku qaabilsay wafdi ka socda Qaramada Midoobay gaar ahaan Xafiiska Siyaasadda oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.
Wafdigaan waxaa hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Vikram Parekh waxaa qayb ka ah Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Morgan Dube.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda Maamulka Koofur Galbeed, xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Maamulkaas & Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, howlaha Geeddi socodka & xasiloonida.
Hoggaamiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay isaga oo ku dhiirrageliyay in ay kordhiyaan la shaqaynta maamulkiisa cusub si ay gacan uga siiyaan arrimaha la xiriira Siyaasadda iyo xasiloonida.





