Arbaco 24.June 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa shaqaalaha Dowladda faray in ay si wanaagsan oo daacadnimo ku dheehan tahay u gutaan shaqada loo igmaday oo ah mid waajib ku ah.
Xamsa ayaa sheegay in shaqaalaha Dowladda looga baahan yahay in ay xaalaystaan mushaarkooda habka keliya ay sidaasi ku samayn karaan ayuu ku tilmaamay in shaqadooda u gutaan sida ku xusan heshiiskooda.
Waxa uu shaqaalaha xusuusiyay in ay yihiin u adeegayaal Bulsho sidaas awgeed looga baahan yahay in marweliba la xusuusiyo mas’uuliyadda ka saaran howshaas loo xilsaaray oo alle uu kula xisaabtamayo haddii uu si khaldan wax u maamulo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shaqaalaha Dowladda ku adkeeyay in ay ilaaliyaan sirta qaranka oo ay hayaan maadaama ay mas’uuliyad waajib culus ka saaran yahay ay tahay ilaalinteeda sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa la rabaa in sharciga & xeerarka la raaco oo la ilaaliyo mas’uuliyadda u adeegista Shacabka Soomaaliyeed, waa mas’uuliyad uu alle kula xisaabtamayo qofta guta iyo kan gudan waayo, waxaan u baahanahay in sirta qaranka la ilaaliyo” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Hadalkaan waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre kahor sheegay Agaasimeyaasha Shaqada iyo Shaqaalaha Hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda oo uu usoo xiray tababar todbaad ugu socday Magaalada Muqdisho.







