Home WARARKA MAANTA Dhuusamareeb Oo Isku Diyaarineysa Soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre

Dhuusamareeb Oo Isku Diyaarineysa Soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre

2
0

Arbaco 24 June 2026 {CBB}Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka socota soo qabanqaabada lagu soo dhaweynayo wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaaladaas.

Ciidan katirsan Ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha, qaybta 21aad ee Xoogga Dalka iyo kuwa Hiil-walaal ee ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti qaybtana ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa marka uu tago Magaalada Dhuusamareeb waxa uu gudagalayaa kulamo uu la qaadanayo Madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo xubno katirsan qaybaha kala duwan ee Bulshada Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here