Khamiis 25, June2026{CBB} Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga haray tartanka doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug.
Axmed Qoor-Qoor ayaa tilmaamay inuu wareejinayo Galmudug mideysan oo caafimaad qabta islamarkaana uu xilka sii heynayo inta laga helaayo hogaan cusub.
R/wasaare Xamse iyo Taliyaha Nisa Mahad Salaad ayaa ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb iyagoo ku qanciyay Axmed Qoor-Qoor inuu isaga haro tartanka doorashada Galmudug.







