Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xarigga Ka Jaray Dhismayaal Cusub Oo Laga Hirgeliyay...

Sawiro;-Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xarigga Ka Jaray Dhismayaal Cusub Oo Laga Hirgeliyay Hirshabeelle

3
0

Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee xarunta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo loo dhisay qaab casri ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey hoggaanka Hirshabeelle dadaalka ay ku bixinayaan dhismaha iyo tayeynta xarumaha dowliga ah, isaga oo tilmaamay in maalgelinta kaabeyaasha hay’adaha dowladda ay door muhiim ah ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada, hufnaanta maamulka iyo xoojinta dowladnimada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana go’aannadooda ku saleeyaan danta guud iyo horumarka shacabka ay matalaan.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha hay’adaha dowliga ah iyo tayeynta xarumaha maamulka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here