Home WARARKA MAANTA Taliye ku-xigeenka booliska wanlaweyn oo ka digay rasaasha micno-darrada ah

Taliye ku-xigeenka booliska wanlaweyn oo ka digay rasaasha micno-darrada ah

2
0

Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Taliye Ku-xigeenka Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa digniin adag u diray dadka rasaasta micno-darrada ah ka rida gudaha degmada, isaga oo sheegay in cid kasta oo ku kacda falkaasi laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Taliye Ku-xigeenka ayaa xusay in rasaasta sharci-darrada ah ay khatar ku tahay amniga bulshada, isla markaana aysan boolisku u dulqaadan doonin falalka wax u dhimaya nabadgelyada iyo xasilloonida degmada.

Wuxuu ugu baaqay shacabka degmada Wanlaweyn inay ilaaliyaan amniga, kana fogaadaan rasaas ridista aan loo baahnayn, isagoo caddeeyay in cid kasta oo sharciga jebisa lala xisaabtami doono.

Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa bulshada ugu baaqay wada-shaqeyn si loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here