Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed Oo Baydhabo Ku Qabatay Madasha Wadatashiga Iyo Isku-Xirka...

Sawiro;-Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed Oo Baydhabo Ku Qabatay Madasha Wadatashiga Iyo Isku-Xirka Haweenka

3
0

Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ku qabatay Madasha Wadatashiga iyo Isku-xirka Haweenka Koonfur Galbeed.

 

Madasha oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed, La-taliyaha Hoggaamiyaha Dowladda ee dhinaca Haweenka, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Baay, wakiillo ka socday ururrada haweenka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga ururrada haweenka.

 

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii kor loogu qaadi lahaa doorka haweenka ee arrimaha bulshada, nabad-dhisidda, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

 

Mas’uuliyiintii ka qaybgalay madasha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada ururrada haweenka iyo abuurista iskaashi joogto ah oo kor u qaada ka-qaybgalka haweenka ee go’aan-qaadashada.

 

Madashan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Haweenka ee lagu xoojinayo midnimada, wadajirka iyo doorka haweenka ee hoggaaminta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here