Isniin 9 Nov 2026 {CBB}Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalay, ayaa saaka kormeer ku tagay qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee uu saameeyay dab xooggan oo xalay ka kacay magaalada Baydhabo, kaas oo sababay khasaare hantiyeed.
Duqa Magaalada ayaa kormeerka waxaa ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baydhabo, Agaasimaha Tamarta iyo Biyaha iyo Agaasimaha Isbeddelka Cimilada iyo Maareynta Masiibooyinka Dabiiciga ah.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in maamulka degmadu si dhow ugu kuurgalo baaxadda khasaaraha ka dhashay dabka, xaaladda goobihii uu saameeyay iyo duruufaha ay ku sugan yihiin ganacsatada hantidooda ku waayay musiibadaasi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa booqday Isbitaalka weyn ee Gobolka Baay, halkaas oo uu kula kulmay dadkii ku dhaawacmay dabka, kana xog-wareystay xaaladdooda caafimaad.
Intii uu kormeerka ku jiray, Duqa Magaalada ayaa la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada iyo shacabka goobta ku sugnaa, isaga oo u ballanqaaday in Maamulka Degmada Baydhabo uu garab istaagi doono dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabka, isla markaana uu si dhow ula socon doono xaaladdooda.
Kormeerkan ayaa muujinaya dadaallada Maamulka Degmada Baydhabo ee ku aaddan ka warqabidda xaaladaha degdegga ah iyo garab istaagga bulshada ay saameeyaan musiibooyinka.










