Khamiis 25, June2026{CBB}Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa caawa maamuusaysa xuska 49 sano guurada kasoo wareegtay markii dalkaas uu madaxbannaanida ka qaatay gumaystihii Faransiiska oo kamid ahaa Dalalkii reer Yurub ee kala qaybiyay Shanta Soomaaliyeed.
Jabuuti ayaa madaxbannaani ku dhawaaqday 27kii June sanadkii 1977 oo maanta laga joogo 49 sano, waxaana dalkaas uu cagta saaray dhabbaha horumarka, nabadda iyo la baratanka Dalal ka baaxad weyn kana dad badan.
Degmooyinka iyo Gobollada Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka socda diyaargarowga munaasabadda caawa saqda dhexe laga qaban doonno iyada oo Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay Ismaaciil Cumar Geelle uu jeedin doonno khudbad ku saabsan maalintaan.
Safiirrada ku sugan Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka qaybgalaya munaasabadda, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu dadkiisa kala hadlo sidii loo kordhin lahaa horumarka qarankiisa sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
La soco wixii kasoo kordha







