Home WARARKA MAANTA Garsoore Cumar Cartan oo dhexdhexaadinaya kulanka ugu dambeeya Horyaalka Kuwait

Garsoore Cumar Cartan oo dhexdhexaadinaya kulanka ugu dambeeya Horyaalka Kuwait

2
0

Khamiis 25, June2026{CBB}Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhexdhexaadinaya kulanka u dambeeya ee horyaalka Kuwait ee dhexmaraya Kuwait SC vs Al-Qadsia kaas oo dhacaya 29ka June 2026 sida uu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalkaas.

 

Cartan ayaa gaaray Dalka Kuwait waxaana loo sameeyay soo dhaweyn lagu dhiirragelinayo Garsoorahaan heerka Caalami ee u diiwaangashan Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA inkasta oo sannadkaan Dowladda Maraykanka kahor istaagtay Koobka Adduunka 2026.

 

 

Cumar Cartan ayaa sidoo kale 22ka Bisha August 2026 ku qoran dhexdhexaadinta kulanka UEFA SUPER LEAGUE ee u dhaxeeya Naadiyaasha PSG ee kusoo guulaystay Uefa Champions League & Aston Villa oo hanatay Koobka labaad ee Yurub ugu qaalisan dhinaca Naadiyada ee Uefa Europe League.

 

Madaxa ugu sarreeya ee FA-da Kuwait, Sheekh Ahmed Al-Yousef Al-Sabah iyo mas’uuliyiin kale oo bahda Ciyaaraha Dalkaas ah ayaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ku dhiirrageliyay in uu sii kordhiyo xirfaddiisa garsoorenimo maadaama uu yahay howlkal muuqda.

 

Cartan waa Garsooraha ugu fiican Qaaradda Afrika isaga oo ka guulaystay Garsooreyaal kasoo jeeda isla qaaraddaan, waxa uu kusoo baxay Liiska Garsooreyaasha loo xulay Koobka Adduunka 2026 balse Dowladda Maraykanka ayaa kahor istaagtay shaqadiisa in uu guto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here