Home WARARKA MAANTA Madaxweynaha JFS oo ubax dhigay Taallada Halgame Dhagaxtuur

Madaxweynaha JFS oo ubax dhigay Taallada Halgame Dhagaxtuur

1
0

Khamiis 25, June2026{CBB}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubad dhigay Taallada Halgame Dhagaxtuur oo kamid ah Dadkii naftooda u huray iska dulqaadista gumaystihii Dalka kala qaybiyay ee dhibaatooyinka ku hayay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinac socdaan Saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ayaa saakay ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur si loo maamuuso xuska 66 sano guurada kasoo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay ka xorroobeen Gumaystihii Ingiriiska.

 

 

Sannad weliba marka la gaaro 26ka June ilaa 1da luuliyo (July) waxa ay Soomaaliya maamuustaa markii ay madaxbannaanida ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska ee Waqooyiga Dalka Isticmaarsan jiray iyo Talyaaniga oo gumaysan jiray Koofurta Dalka ahna israaca labadaas gobol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here