Isniin 29,June 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Adis Ababa kulan kula yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.
Qoraal lagu daabacay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulan diiradda lagu saarey iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maalmihii la soo dhaafay safarro ku kala bixiyay dalalka Dariska sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.







