Home WARARKA MAANTA Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay in ay socdaan xiriirrada dhinacyada lagu casuumay Wadatashiga...

Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay in ay socdaan xiriirrada dhinacyada lagu casuumay Wadatashiga Qaran

1
0

Sabtii 14 Nov 2026 {CBB}Muqdisho: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan xiriirrada iyo wada-hadallada lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran, kuwaas oo qayb ka ah diyaar-garowga shirka.

War-saxaafadeed ay Madaxtooyadu soo saartay maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in gogosha Wadatashiga Qaran oo uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, fidiyey 26-kii Oktoobar 2026 ay dhawaan furmi doonto.

Madaxtooyada ayaa tilmaantay in xiriirrada socda ay qayb ka yihiin dadaallada loogu diyaar-garoobayo shirka, kaas oo la filayo in ay ka qaybgalaan dhinacyada lagu casuumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here