Home WARARKA MAANTA Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ballanqaaday horumarinta magaalada Baraawe

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ballanqaaday horumarinta magaalada Baraawe

1
0

Sabtii 14 Nov 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in dowladda ay qorsheynayso horumarinta magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in dowladda ay waddo qorshayaal kala duwan oo lagu horumarinayo magaalada, laguna ballaarinayo adeegyada iyo kaabayaasha muhiimka ah.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in amniga magaalada Baraawe uu gacanta ku hayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sugidda amniga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee magaalada.

Hoos Ka Daawo;-Muqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here