Home WARARKA CAALAMKA Beesha Caalamka oo wadahadal siinaysa DF iyo Mucaaradka.

Beesha Caalamka oo wadahadal siinaysa DF iyo Mucaaradka.

1
0

Talaado 30,June 2026 {CBB}Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay fariimo gaarsiiyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ku saabsan diyaar-garowga wadahadal la filayo inuu qabsoomo toddobaadyada soo socda ee bishan.

 

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa oggolaaday in Golaha Mustaqbalka uu noqdo dhinaca si rasmi ah u matalaya mucaaradka Soomaaliya ee wadahadalka la yeelanaya Dowladda Federaalka, iyadoo ujeeddadu tahay in xal looga gaaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

 

Xogaha ayaa sidoo kale tilmaamaya in Beesha Caalamka ay u sheegtay Madaxtooyada in Dowladda Soomaaliya ay xor u tahay inay la kulanto ama la tashato siyaasiyiinta kale ee ay dooneyso, hase yeeshee wadahadalka rasmiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed uu si gaar ah u dhex mari doono Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Golaha Mustaqbalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here