Arbaco’1 julay; 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Jibriil Xaaji ayaa sheegay in faragelinta Israa’iil ay ku hayso Dalka aanay saamayn ku yeelan doonin midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay in isku daygaas uu guuldaraystay kaddib markii dhinac looga soo wada jeystay, waxaana uu soo jeediyay in laga dhiidhiyo faragelinta shisheeye oo qayb ka ah waxyaabaha dib u dhigay Dalka.
Cabdirashiid Jibriil ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay usoo jeysteen in ay doortaan madaxdooda iyo wax weliba oo lagu gaari karo horumarka Dalka, waxaana ugu dambayn uu u diray fariin uu ku dhiirragelinayo tallaabooyinkaas.







