Axad 20-Oct- 2024 {CBB}Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud Dowladda KGS Mudane Dahir Abdi Abdullahi (Dr Go) ayaa maanta daahfuray shir wadatashi iyo ansixin ku saabsan Xeer Nidaamiyaha Magaalooyinka KGS kaasoo socon doona mudo laba maalmood ah.
Xeer nidaamiyahan cusub ayaa wax badan ka qaban doona Nidaaminta Isku raranka magaalooyinka iyo jidadka, Sidoo kale wuxuu nidaamin doonaa Hab-dhismaha magaalooyinka Dowladda KGS.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaarada, Agaasimaha wasaaradaha Howlaha guud & Wasaarada Qorshaynta iyo masuuliyiin kale.