khamiis 16, July 2026 {CBB}Baydhabo – 16 Luulyo, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey Golaha Wakiillada Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed ansixinta xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada, kaddib kulan ay yeesheen mudanayaasha Baarlamaanka.
Hoggaamiyaha ayaa ka qeybgalay kalfadhiga 1-aad, kulankiisa 5-aad ee Baarlamaanka, halkaas oo uu si rasmi ah uga codsaday mudanayaasha inay ansixiyaan isla markaana dhaariyaan Golaha Wasiirrada cusub ee uu dhowaan magacaabay.
Golaha Wakiillada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey ansixinta Wasiirrada cusub, waxaana isla goobta lagu dhaariyey xubnaha Golaha Wasiirrada, iyadoo dhaarinta uu fuliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed, Dr. Axmed Cali Muuse.
Wasiirrada cusub ayaa ballanqaaday inay si daacadnimo, hufnaan iyo xilkasnimo leh u gudan doonaan waajibaadkooda, iyagoo diiradda saari doona u adeegidda shacabka iyo horumarinta guud ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale hambalyo u diray xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada, isagoo ku boorriyey inay mudnaanta siiyaan:
- Dardargelinta adeegyada bulshada
- Adkeynta amniga
- Horumarinta dhaqaalaha
- Hirgelinta maamul-wanaagga
- Fulinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda
Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyey in Golaha Wasiirrada cusub laga filayo wadajir, isla-xisaabtan iyo hufnaan, si loo xaqiijiyo himilooyinka dowladda loona gaarsiiyo shacabka adeegyo tayo leh.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Guddoonka Baarlamaanka iyo dhammaan Xildhibaanada sida ay u taageereen ansixinta Golaha Wasiirrada cusub, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay dardargelinta howlaha shaqo ee horyaalla xukuumadda.








