khamiis 16, July 2026 {CBB}Ururka Kubadda Caalamiga ah ee FIFA ayaa baaraya ciyaartoy ka tirsan Xulka Qaranka Argentina oo faafiyay farriimo siyaasadeed, ka dib markii ay soo dhammaatay ciyaartii 2 iyo 1 ay kaga badiyeen Ingiriiska.
Xiddigaha Lisandro Martinez iyo Giovani Lo Celso ayaa garoonka dhexdiisa ku lulay boor uu ku qornaa Ereyga Laatiiniga ee (Las Malvinas Son Argentinas) oo macnahiisa yahay (Jasiiradaha Falklands waxaa leh Argentina).
Tillaabada ay qaadeen ciyaartoydan ayaa loo arkay mid siyaasadeed oo dib loogu xasuusan karo dagaalkii labada dal dhex maray sanadkii 1982-kii, kaas oo ay ku dhinteen 649 askari oo u dhashay Argentina iyo 255 askari oo British ah.
In kasta oo ay Britain ku guuleysatay dagaalkaas, ayna dadka deegaanka ee jasiiradahaas deggan doorteen inay sii ahaadaan qayb ka mid ah Britain, haddanaArgentina waxay muddo dheer ku doodaysay inay jasiiradaha ka dhaxashay dalka Spain sanadkii 1816-kii, ayna Britain si sharci-darro ah kula wareegtay 1833-kii.
Tallaabadan ayaa loo arkaa inay si cad u baal-marsan tahay Xeerka Anshaxa Garoomada ee FIFA, kaas oo si adag u mamnuucaya in garoomada lala galo boorar, calamo, ama dhar xambaarsan farriimo siyaasadeed, aflagaaddo ah, ama midab-takoor ah.
Weli FIFA iyo Dowladda Ingiriiska kama hadlin tillaabadaan hadalheynta dhalisay ee soo kicisay muranka qotada dheeraa ee Argentina iyo UK.







