Home WARARKA CAALAMKA Xamaas oo Dooratay Hogaamiye Cusub.

Xamaas oo Dooratay Hogaamiye Cusub.

2
0

Isniin 20 July 2026 {CBB}Hoggaamiyaha XamaasXigashada Sawirka,Reuters Ururka Xamaas ayaa u magacowday in uu noqdo hoggaamiyahooda cusub Khalil al-Hayya, oo hore u ahaa madaxa wadaxaajoodyada ururka.

Waa qofkii ugu horreeyay ee loo magacaabo jagadan tan iyo markii Yahya Sinwar ay ciidamada Israel ku dileen Gaza laba sano ka hor. Waxaa la sheegay in doorasho gudaha ah ay ka dhacday Gaza, Daanta Galbeed ee la haysto iyo meelo kale oo xubno ku sugnaayeen.

Inta badan hoggaanka sare ee Xamaas waxaa lagu dilay duqeymo ay Israel fulisay kaddib weerarradii dadka badan ku dhinteen ee dhacay intii uu socday dagaalka.

Mr. Al-Hayyah waxa uu ku dhashay sanadkii 1960-kii Daanta Galbeed, wuxuuna xubin ka ahaa Xamaas laga soo bilaabo markii la asaasay sanadkii 1987-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here