Home WARARKA MAANTA Soomaaliya oo diiwaangilineyso Dugsiyada qaranka masaajidda iyo culimada.

Soomaaliya oo diiwaangilineyso Dugsiyada qaranka masaajidda iyo culimada.

2
0

Isniin 20 July 2026 {CBB}Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka ka bilaabayso diiwaangelin qaran oo lagu sameynayo masaajidda, dugsiyada Qur’aanka iyo culimada.

Go’aanka ayaa yimid kadib kulan uu guddoomiyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, kaas oo dib loogu eegay dib-u-habaynta wasaaradda iyo mudnaanta shaqooyinkeeda.

Wasiirku wuxuu faray in si degdeg ah loo bilaabo diiwaangelinta masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee dalka oo dhan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in marka diiwaangelintu soo dhammaato la qaban doono tababbarro loo diyaarinayo imaamyada masaajidda iyo macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee la diiwaangeliyo.

Qorshahan ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta wasaaradda, waxaana looga gol leeyahay in la sameeyo diiwaan rasmi ah oo ay ku jiraan xarumaha diinta iyo culimada, isla markaana la mideeyo nidaamka waxbarashada diinta iyo iskaashiga dowladda iyo hoggaamiyeyaasha diinta.

Wasiir Roobow ayaa ku ammaanay maamulka wasaaradda dardargelinta dib-u-habaynta iyo xoojinta isla-xisaabtanka, isagoo sheegay inay taasi sare u qaaday isku-duwidda shaqada iyo hirgelinta mashaariic hore u dib u dhacay.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay toddobaadkan qalin-jabineyso dufcaddii ugu horreysay ee Machadka Daraasaadka Islaamka, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu ballaarinayo waxbarashada Islaamka.

Wasiirku wuxuu sidoo kale faray madaxda waaxyaha wasaaradda inay sii xoojiyaan adeegyada ay bulshada u hayaan iyo hirgelinta barnaamijyada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here