Isniin 21 July 2026 {CBB}Maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Ammaanka Puntland ay maanta hawlgal amni oo qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Laag ee gobolka Bari, kaas oo lagu sheegay in lagu soo afjaray koox hubaysan oo, sida ay sheegeen, muddooyinkii u dambeeyay ka waday deegaannada Puntland falal amni-darro iyo qalqalgelin. GeographicReference
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxdaasi ay ku lug lahayd falal lagu carqaladeynayay amniga, xasilloonida iyo nabadda Puntland.
Puntland waxay sheegtay in intii uu socday hawlgalku ay ciidamadeedu gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah, iyadoo sidoo kale xustay in hawlgallo lagu baadi-goobayo xubno ka tirsan kooxda oo firxaday ay weli socdaan.
Maamulka Puntland ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanku ay sii wadaan xaqiijinta amniga deegaanka, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa ku soo dhammaaday ballanqaad ah in Ciidanka Ammaanka Puntland ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee ay khusayso arrintan ayaan weli ka soo saarin war rasmi ah oo ay kaga jawaabayaan war-saxaafadeedka Puntland.







