Talaado 21 July 2026 {CBB}Baydhabo – Waxaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka lagu qabtay shirka laba-isbuuclaha ah ee isku-dubbaridka gargaarka, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nafaqo-darrada, abaaraha, cunno-yarida, baahiyaha caafimaad, iyo u diyaar-garowga saamaynta roobabka El Niño ee la filayo inay saameyn ku yeeshaan bulshada nugul.
Kulanka waxaa guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, oo ammaanay hay’adaha bani’aadannimada dadaallada joogtada ah ee ay ku bixiyaan taageeridda dadka tabaaleysan. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka howlaha gargaarka si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.
Shirka waxaa ka soo qayb galay hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, iyo sidoo kale wasaarado ka tirsan dowlad-goboleedka. Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ay jeediyeen hay’adda OCHA, Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed, iyo hay’ado kale oo ka shaqeeya gargaarka iyo horumarinta.
Gabagabadii, Wasiir Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa ku boorriyay dhammaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada inay kordhiyaan u diyaar-garowga gurmadka degdegga ah, gaar ahaan maadaama la filayo roobab culus oo ka dhasha El Niño, si loo yareeyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada nugul.







