Talaado 21 July 2026 {CBB}Baydhabo – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Aadan Moallim Cabdiraxmaan Aadan (Shaati), ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Xafladdan soo dhoweynta ah waxaa soo qaban-qaabiyay Ururka Dalladaha Bulshada Rayidka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Baydhabo. Waxaa munaasabadda ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameedyo, ururrada haweenka, aqoonyahanno, culumaa’udiin, qaar ka mid ah macallimiinta dugsiyada Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Intii ay socotay munaasabadda, wakiillada Ururada Dalladaha Bulshada Rayidka iyo mas’uuliyiintii kale ee ka hadlay ayaa si diirran u soo dhoweeyay wasiirka cusub, iyaga oo ku bogaadiyay magacaabistiisa, isla markaana uga duceeyay in Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday.
Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka u leedahay bulshada, gaar ahaan doorka ay ku leedahay horumarinta diinta, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta midnimada.
Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad iyo is-dhexgal ah, iyadoo dhammaan ka qeybgalayaashu muujiyeen taageerada ay u hayaan wasiirka cusub iyo rajada ay ka qabaan inuu wax badan ka qabto horumarinta howlaha wasaaradda.








