Arbaco 22 Julay 2026 {CBB}Muqdisho – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in muddo shan (5) maalmood oo dheeraad ah lagu daray jadwalkii Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug, taasoo hore loogu qorsheeyay inay qabsoonto 25-ka bishan.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada hadda la qaban doono 30-ka bishan, kaddib markii ay heleen codsiyo uga yimid ururrada siyaasadeed ee ka qeybgalaya tartanka, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay soo saareen.
Sidoo kale, guddigu waxa uu tilmaamay in muddada kordhinta ay ujeedadeedu tahay in la siiyo fursad dheeraad ah ururrada siyaasadda si ay u dhameystiraan diyaar-garowgooda iyo ololahooda doorasho.
Dhanka kale, waxaa si xowli ah u socda ololaha ururrada siyaasadeed ee is-diiwaangeliyay, kuwaasoo doonaya inay ku guuleystaan kuraasta lagu tartamayo. Ololaha ayaa si gaar ah uga socda deegaannada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug.







