Arbaco 22 Julay 2026 {CBB}Baarlamaanka Turkiga ayaa meelmariyay sharci muddo laba sano ah lagu sii wado howlgalka ciidamada Turkiga ee ka socda Soomaaliya, taas oo muujinaysa in dowladda Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya.
Go’aankan cusub ayaa dhaqan geli doona 27-ka Luulyo, waxaana uu u oggolaanayaa ciidamada Turkiga inay sii wadaan tababarrada, la-talinta iyo taageerada farsamo ee ay siiyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Howlgalka ayaa sidoo kale diiradda saaraya ka qeyb qaadashada dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, burcad badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta hubka iyo khataraha kale ee ka jira badda Soomaaliya.
Qoraal ay dowladda Turkigu u gudbisay Baarlamaanka, kuna saxiixnaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa lagu sheegay in sii wadista howlgalka ay muhiim u tahay xoojinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ilaalinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya dhinaca amniga. Sannadkii 2017 ayuu magaakada Muqdisho ka hirgeliyay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, halkaas oo kumannaan askari oo Soomaaliyeed lagu tababaray, iyadoo iskaashiga labada dal uu ku fiday dhinacyada difaaca, amniga badda iyo horumarinta tayada ciidamada.
Muddo kordhintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay sii waddo howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale dadaal ugu jirta xoojinta awoodda ciidamada qaranka iyo sugidda amniga xeebaha iyo kheyraadka badda.







