Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiir ku-xigeenka beeraha oo Baydhabo ka daah-furay tababar maaliyadda beeraha

Sawiro;-Wasiir ku-xigeenka beeraha oo Baydhabo ka daah-furay tababar maaliyadda beeraha

2
0

Arbaco 22 Julay 2026 {CBB}Baydhabo – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, Mudane Zakariye Maxamed Ibraahim (Fante), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Ibraahim, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tababar soconaya afar maalmood oo ku saabsan Maaliyadda Beeraha (Agricultural Finance) iyo Naqshadeynta Adeegyada Maaliyadeed (Financial Product Design).

Tababarkan ayaa waxaa ka qeybgalaya hay’adaha maaliyadda (MFIs) iyo iskaashatooyinka beeraleyda, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa aqoonta iyo tayeynta adeegyada maaliyadeed ee taageera horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta nolosha bulshada reer miyiga.

Intii lagu guda jiray munaasabadda furitaanka, Wasiir Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta maalgashiga beeraha, dhisidda awoodda hay’adaha maaliyadeed iyo iskaashatooyinka beeraleyda, iyo xoojinta iskaashiga dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadaalladan ay door weyn ka qaadanayaan kordhinta wax-soo-saarka beeraha, abuurista fursado dhaqaale, iyo xaqiijinta horumar waara oo laga gaaro deegaannada Koonfur Galbeed.

Tababarkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado xirfadaha iyo fahamka ka qeybgalayaasha, isla markaana uu gacan ka geysto helitaanka adeegyo maaliyadeed oo hufan oo la jaan qaadaya baahiyaha beeraleyda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here