Khamis 23 Julay 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyihii hore ee Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay) oo kamid ahaa saraakiishii aragtida siyaasadeed ee ka duwaneyd Dowladda uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe kuwaas oo muddo ku sugnaa duleedka Magaalada Baydhabo.
Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay go’aanka Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay) uu dib ugu soo biiray geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhiska, isagoo xusay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mar walba gacmo furan ku soo dhaweynayso cid kasta oo dooranaysa wada-hadal, midnimo iyo wadajir.
Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay) ayaa uga mahadceliyay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed soo dhoweynta iyo fursadda uu u helay inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo horumarka Dowladnimada Koonfur Galbeed.
kulanka Hogaamiyaha Waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaag Maxamed Isaag Korsaar.







