Khamis 23 Julay 2026 {CBB}Muqdisho, Khamiis, 23 Luuliyo 2026 – Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey xubnaha magacaabista ku imaanaya ee Golaha Sare ee Garsoorka, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Shirka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Jaamac, ayaa lagu meelmariyey afar xubnood oo isugu jira laba Qareen Sare iyo laba Xeeldheere Sharci, kuwaas oo xilka hayn doona muddo shan sano ah marka la dhammeystiro habraacyada ansixinta.
- Xubnaha la ansixiyey ayaa kala ah:
- Maxamed-deeq Macallin Aadan
- Maryan Sheekh Cismaan
- Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil
- Cabdiqaadir Cali Macallin
Xubnahan ayaa ah kuwa kaliya ee magacaabis ku imaanaya, halka xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay si toos ah uga mid noqonayaan mas’uuliyiinta xilalkaas haya, sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Guud, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, iyagoo xilkaas u magacaabay Mudane Maxamuud Axmed Jimcaale.
Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, iyo heshiis iskaashi oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cummaan, kaas oo diiradda saaraya horumarinta gaadiidka cirka.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Axdiga Dhallinyarada Afrika, oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aannada siyaasadeed iyo doorkooda horumarineed ee qaaradda Afrika.








