Home WARARKA MAANTA Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle oo Ka Soo Goostay Kooxihii Duurka kuna Soo...

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle oo Ka Soo Goostay Kooxihii Duurka kuna Soo Laabtay Dowladda

1
0

Khamis 23 Julay 2026 {CBB}Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay), ayaa si rasmi ah uga soo goostay kooxdii uu hore ula joogay ee ku sugneyd duurka, isagoo dib ugu soo laabtay dhinaca dowladda.

Mudane Ibraahim ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid kaddib markii uu ka fiirsaday xaaladaha jira, isla markaana uu ka tanaasulay fikirkii iyo jidkii uu hore u maray. Wuxuu xusay in uu hadda doortay nabadda, wada noolaanshaha iyo in uu la shaqeeyo dowladda iyo shacabka.

“Waxaan go’aansaday inaan dib ugu soo laabto dalkayga iyo dadkayga, kana shaqeeyo horumarka iyo xasilloonida,” ayuu yiri Mudane Ibraahim.

Soo laabashadiisa ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, gaar ahaan deegaannada Gobolka Bay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu qaatay Mudane Ibraahim, iyagoo ku bogaadiyay inuu doortay waddada nabadda iyo horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here