Isiin 27 July 2026 {CBB}Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay wadaagi karaan Israa’iil iyo sida la isku qabadsiin karo dhulka ka maqan dalkiisa ee dhinacaas ka jira ayaa sheegay in aanay marnaba ka tanaasuli doonnin taako kamid ah Dhulkooda.
Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in iskaashiga Amniga uu keliya quseeyo sidii nabadgalyo ay iskula noolaan lahaayeen Dalka Suuriya iyo Maamulka Israa’iil balse aanay ka dhignayn inay uga tanaasuleen dhulkooda sida Buuraha Golan sida uu hadalka u dhigay.
Waraysi uu siiyay Teleefishinka Aljazeera waxa uu ku sheegay in heshiiska nabadda uu albaabada u furi doonno sidii Dowladda Suuriya iyo Maamulka Israa’iil ay ugu wada noolaan lahaayeen nabadgalyo isla markaana aanay dhinac weliba cabsi ka muujin dhanka kale.
“Heshiiska aan doonayno in aan la galno Israa’iil waa mid xudun u noqonaya nabad kuwada noolaashiyo, sidaas oo ay tahay kama dhigna in aan ka tanaasulnay Dhulka ay naga haysato oo ay kamid tahay Golan laga soo billaabo 1973” Ayuu yiri MW Suuriya, Axmed Al-Sharca.
Maraykanka iyo Dalalka kale ee Reer Galbeedka ah una janjeera dhinaca Israa’iil ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe lagu ballaarinayo Waddamada Iskaashiga la samaysanaya Yuhuudda gaar ahaan kuwa Islaamka si ay ugu dambayn ugu biiraan heshiiska loogu magac daray Abraham Accord.







