Home WARARKA MAANTA Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

2
0

Isiin 27 July 2026 {CBB}Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay CBB ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay awoodaan la wareegista mas’uuliyadda Amniga Dalka iyaga oo tusaale usoo qaatay isbaddelka nabadgalyada ah ee jira.

Waxa ay dalbadeen in lacagaha badan ee la siiyo Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM la siiyo Ciidanka Soomaaliyeed oo dhowrkii sanno kaligood samaynayay howlgallo ay ku qabsadeen deegaanno kala duwan oo Dalka ah.

Dadkaan la hadlay CBB ayaa sheegay in isbaddel cusub uu ka jiro dhinaca Ciidamada Soomaaliya marka la eego sida ay u sugayaan Amniga, ilaalinta Madaxda, Madaxtooyada iyo howlgallada ay ka fulinayaan deegaanno kala duwan oo Dalka ah.

Shacabkaan ayaa soo jeediyay in farqiga dhinaca Mushaharka ah ee u dhaxeeya Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midowga Afrika aan ku salaysnayn howlgalllada ay qabanayaan, waxa ay soo jeediyeen in la garab istaago ciidanka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here