Home WARARKA MAANTA Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

2
0

Talaado, July 28 2026 {CBB}Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo jawaab ka bixiyay eedaha Dowladda uga yimid Maamulka Puntland ayaa sheegay in mas’uuliyadda Amniga ay Dowladdu mas’uul ka tahay.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in aanay Dowladdu waqti u hayn hadallada ka imaanaya dad uu ku sheegay in ay ‘Ku fashilmeen’ Siyaasadda, waxaana uu xusay in mas’uuliyadda ka saaran amniga dalka ay gudanayso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Amniga dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda federaalka, caqligii fooraray ee aan la dagaalamanay waaye in uu qof dhaho dowladda Soomaaliya ayaa amni darro samayneysa, haddii aad ka hadlayso maamulka Puntland, dowladda ayaa mas’uul ka ah amniga,” sida uu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Waxa uu su’aal ka keenay cidda ay metalaan dadka dowladda federaalka ku eedeynaya in ay ka dambayso amni darro ama ay abuurayso sida uu hadalka u dhigay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

“Hadallo iska macno darro ah oo Dad Siyaasadda ku fashilmay ay ku hadlayaan waqti uma hayno, qofka dhahayo Dowladda ayaa amni darro samaynaysao, yuu metalaa oo uu dadka ku hor joogaa” ayuu sii yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cadaala.

Puntland ayaa dhawaan eedeyn u jeedisay Dowladda Federaalka, waxa ay sidoo kale fariin u dirtay Maamulka Galmudug oo markii dambe kasoo jawaabay iska fogeeyay hadalladaas ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here