Home WARARKA MAANTA Cumar Cabdirashiid “Gaalkacyo ma’ahan Calmiskaad”

Cumar Cabdirashiid “Gaalkacyo ma’ahan Calmiskaad”

2
0

Talaado, July 28 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hor yimid ciidamo la sheegay in maamul gobaleedka Puntland uu ku soo daabulayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Puntland.

Cumar ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo aysan ahayn Calmiskaad, isla markaan madaxda maamul gobaleeddka Puntland ay ka waantoobaan hurinta dagaal uu ku tilmaamay ‘gardarro’ kaas oo ka dhan ah ciidamo kale oo Puntland ah, iyada oo aanay jirin wax saldhig sharci ah oo arrintaas lagu cuskado.

Qoraal kooban uu ku baahiyay bartiisa X ayuu Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar ku yiri, “Hubka iyo awoodda ciidan ee loo jihaynayo colaaddan soo ifbaxaysa ee magaalada Gaalkacyo waxay si weyn u wiiqi doonaan awoodda bini’aadannimo iyo agabka lagama maarmaanka u ah dagaalka lagula jiro argagixisada.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka digay in isku dhac ka dhaca magaalada Gaalkacto uu horseedi kara cawaaqib halis ah, oo ay ka mid yihiin xasillooni-darro gobolka ku faafta, dhibaato bani’aadantinimo, iyo khatarta ah in ciidamo kale ay ku lug yeeshaan iskahorimaadkan militari.

Mr. Sharmaake ayaa fariin u diray Mas’uuliyiinta dowladda, isimada dhaqanka, iyo culimada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay waajib ka saaran tahay ka hor tagga colaad aan loo baahnayn isla markaana ay doortaan wada hadal.

Horraanta todobaadkaan maamulka Puntland ayaa dowlad gobaleedka Galmudug uga digay in deegaannada maamulka la soo marsiiyo saanad ciidan iyo ciidamo, kuwaas oo u soo gudbnaya dhanka maamulka Puntland.

Maamul Gobaleedka Galmudug oo isna ka hadlay warka ka soo yeeray Puntland ayaa sheegay in aysan diyaar u ahayn dagaal ka dhaca magaalada Gaalkacyo, loona baahan yahay khilaafaadka ka dhex jira Puntland in ay xal ka gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here