Home WARARKA MAANTA Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

3
0

Talaado, July 28 2026 {CBB}Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin doodaha la xiriira doorashooyinka Dalka oo ay isku khilaafeen qayb kamid ah xubnaha Mucaaradka sida ay ku warrameen ilo ku dhow kulanka.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa doonaya in ay markale is hor keennaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka si ay meel isula dhigaan doorashada Dalka maadaama Dowladda iyo qaar kamid ah Mucaaradku isku raaceen nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee Dowladda Turkiga dhexdhexaadinaysay waxaa jiray isu soo dhawaanshiyo marka la eego ka gudubka Doorashada Dadban ee dhanka mucaaradku doonayay, balse waxaa dhashay dood ku saabsan Doorashada Dadweyne sida loo qabanayo.

Waxaa suuragal ah in wadahadalkaan uu ka duwanaado kuwii hore oo xubno wakiillo ah ay is hor fadhiisanayeen balse ay maangal tahay inay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka iyo mucaaradka kale ay is fadhiistaan.

Madaxweynayaasha Maamullada Puntland & Jubbaland ayaa la sheegay in ay imaanayaan Magaalada Muqdisho si ay qayb uga noqdaan wadahadallada tooska ah ee looga hadlayo Doorashooyinka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in dalka keliya ay ka dhici karto Doorasho Dadweyne iyada oo tusaale usoo qaadanaysa doorashooyinkii ka dhacay Banaadir iyo Koofur Galbeed, halka indhaha lagu hayo Galmudug & HirShabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here