Arbaco, July 29 2026 {CBB}
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay Dhul ku yaalla Xaafadda Friedenau oo ay ku badan yihiin Dhismaha Taariikhiga ah ee Dalkaas.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X waxa uu ku sheegay in aanay jirin dhulkaas waxaana uu si cad u shaaciyay in Safaaraddu ay ku shaqayso dhul kiro ah.
Waxaa dalbaday in caddayn rasmi ah la keeno inay dhulkaas leedahay Safaaradda Soomaaliyeed ee Jarmalka haddii kale la joojiyo wararkaas uu ku sheegay in ay yihiin kuwo marin habaabin ah sida uu hadalka u dhigay.
“Soomaaliya Dhismo kuma lahan Berlin ee xagee kasoo heshay xogtaan? Safaaraddeennu waxa ay ku howlgashaa Xafiis kiro ah, fadlan haddii aad haysid caddayn taageeraysa sheegashadaada soo bandhig, nagana caawi in aan helno dhismahaan quruxda badan ee aad sheegtay ama tirtir wararkaas” Sidaasi waxaa yiri, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad.
https://x.com/AliOmarMP/status/2082293999906251232
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar hore ka falcelisay warar ay ku sheegtay in ay yihiin kuwo been abuur ah, waxaana ay ka digtay faafinta macluumaadka aan sax ahayn ee Bulshada lala wadaagayo.







