Arbaco, July 29 2026 {CBB}Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay iska horimaad dhexmaray ciidanka dowladda iyo AS.
Dagaalka ayaa ka dhacay gobolka Mandera oo ku yaalla Agagaarka Gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan meel u dhow Xuduudka Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday booliska, cutub ka tirsan ciidanka gaarka ah ee loo yaqaano SOG Alungu, ayaa dagaal kula galay xubno ka tirsan Al-Shabaab aagga loogu yeero Wantey Dam.
Iska horimaadka oo ahaa mid xooggan ayaa horseeday dhimashada shanta askari, iyadoo ciidanka Kenya ay iska caabin kala horyimid dableyda weerarka soo qaaday.
Booliska ayaa intaas ku daray in markii uu dagaalku qarxay, loo diray goobta ciidamo gurmad ah.
Hasa yeeshee, gaari nooca gaashaaman ah oo ay wateen ciidanka gurmadka ayaa lala beegsaday qarax miino oo dhulka lagu aasay.
AS ayaa xilliyada qaar weeraro hubeysan oo ay ku jiraan qaraxyo ka geysta deegaannada gobolka Waqooyi Bari Kenya.







