Home WARARKA MAANTA SAWIRO;-HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO BAYDHABO KU QAABILAY WAFDI KA SOCDA HAY’ADDA...

SAWIRO;-HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO BAYDHABO KU QAABILAY WAFDI KA SOCDA HAY’ADDA PLAN INTERNATIONAL

1
0

Talaado 4 Augsto 2026 {CBB}Baydhabo, 4 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda Plan International, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’adda, Marwo Reena Ghelani.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adda Plan International, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada, waxbarashada, ilaalinta carruurta, taageerada haweenka, iyo arrimaha bani’aadannimada.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda, isagoo si gaar ah u bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay hay’adda Plan International ka qaadato taageerada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Dhankeeda, Marwo Reena Ghelani ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay hay’adda Plan International sii wadidda wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah loona gaaro bulshooyinka nugul, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo haweenka, carruurta iyo dhalinyarada.

Kulanka ayaa waxaa Hoggaamiyaha ku wehliyey Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta, Gargaarka, Haweenka, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here