Arbaco/5/ August 2026 {CBB}Waddamda Pakistan iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga, isla markaana lagu horumarinayo awoodaha millitariga. EastAfrica News
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan is-afgaradka ah lagu saxiixay magaalada Islamabad, maalintii Talaadada.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskaasi.







