Home WARARKA MAANTA Waxaa la soo gebagebeyay diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la soo gebagebeyay diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

2
0

Khamiis 6, August 2026 {CBB}}Waxaan maanta si rasmi ah loo soo gebagebeyay geeddi-socodkii diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay dhammaatay muddadii uu Guddigu u asteeyey qabashada diiwaangelinta.

 

Intii ay diiwaangelintu furneyd, Guddigu wuxuu si waafaqsan habraacyada iyo xeerarka doorashada u qaabilay, una diiwaangeliyey laba musharrax oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa tartanka xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

Musharrixiinta isdiiwaangelisay ayaa kala ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)

 

Sidoo kale, gudiga ayaa qorsheyay in maalinta Sabtiga oo ay taariikhda ku beegan tahay 08 Agoosto 2026, in musharrixiinta lagu wareejiyo shahaadooyinkooda musharaxnimo, si ay si rasmi ah ugu gudbaan marxaladda doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah gudoomiyaha Gudiga Doorashada.

 

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa yiri: Waxaan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa in Guddigu uu si dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo daahfurnaan leh u maamulayo dhammaan marxaladaha doorashada, iyadoo la ilaalinayo Dastuurka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo habraacyada u dejisan doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here