Home WARARKA MAANTA DFS oo saxiixday mashruuc lagu dhisayo Waddo 45 KM ah oo Hargaysa...

DFS oo saxiixday mashruuc lagu dhisayo Waddo 45 KM ah oo Hargaysa laga dhisayo

2
0

Jimco 7, August 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday mashruuca lagu dhisayo waddo dhirirkeedu dhan yahay 45 kiilo mitir oo laga hirgelinayo Magaalada Hargaysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed taasi oo qayb ka ah mashaariic kala duwan oo Dowladdu heshay.

Wasiirka Howlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho isaga oo saxiixayay heshiiskaas waxa uu bogaadiyay howlaha dib u dhiska Dalka.

Ayuub Ismaaciil ayaa tilmaamay in howlaha dib u dhiska Dalka ay yihiin kuwo muhiim ah sidaas awgeed la gaarsiin doonno guud ahaan Gobollada Dalka iyada oo la dhisayo waddooyin, Buundooyin & biyo mareenno casri ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga gacansiinayo hirgelinta Mashaariic kala duwan waxaa la gaarsiinayaa gobollada Dalka iyada oo guud ahaan lacagta ku baxaysa ay dhan tahay $245 Milyan oo Doollar sida uu sheegay Wasiir Ayuub Ismaaciil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here