Sabti 8 Aug 2026 {CBB}Ciidan katirsan Kumaandooska Gorgor gaar ahaan Guutada 21aad qaybta 1aad tababar loogu soo xiray Dalka Turkiga, waxaana ay soo dhammaysteen koorsooyinkii ay ku qaadanayeen xero ku taalla Magaalada Manisa ee dalkaas.
Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo dhiggiisa Turkiga, Janaraal Metin Token ayaa la dardaarmay ciidankaas tababarka sare qaatay.
Labada Taliye ayaa si wadajir ah ciidamadaan katirsan Kumaandooska Gorgor Xoogga Dalka kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadka loosoo tababaray maadaama ay dib ugu soo laabanayaan Dalkooda Hooyo sida hadlaka loo dhigay.
Turkiga waxa uu tababaraa ciidanka Kumaandooska Gorgor, sidoo kale waxa uu bixiyaa qalabka ay howlgallayaan ciidankaas, waxaana weli tababar ku jira ciidamo cusub oo lagu kala tababarayo Soomaaliya iyo Turkiga.







