Sabti 8 Aug 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar cawo socod ah xalay uga ambabaxay Magaalada Garoowe isaga oo kusii jeeda Magaalada Gaalacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Deni ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Gaalkacyo kula kulmo Odoyaasha Dhaqanka, Saraakiisha Amniga, Maamulka Gobolka Mudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xoogga saartay sidii ciidamada sida tooska ah u hoostaga Dowladda Federaalka uga saari lahaa deegaannada Maamulkaas.







