Home WARARKA MAANTA Koofur Afrika oo sheegtay in ay dib u celisay Ajaanib sharci darro...

Koofur Afrika oo sheegtay in ay dib u celisay Ajaanib sharci darro ku joogtay Dalkaas.

2
0

Axad 9 Aug 2026 {CBB}Dowladda Koofur Afrika ayaa sheegtay in ay Dalkeeda ka saartay 77,184 qof oo ajaanib ah isla markaana aan haysan dukumentiyo sharci ah sida hadalka loo dhigay.Time & Calendars

Howlgalka dib u celinta Dadkaas ayaa soo billowday 3 Agoosto ee sannadkaan 2026 balse ma shaacin dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Koofur Afrika ayaa ku goodisay in ay sii wadayso howlgallada ka dhanka ah Dadka sharci darrada ku jooga Dalkeeda oo kacdoon culus oo ka dhan ah haatan wajahaya.

Waxaa jira warar sheegaya in dhowr dal oo Afrikaan ah ay Dadkooda kala baxeen Koofur Afrika kaddib markii ay kordheen boobka iyo beegsiga is dhinac socda ee lagu hayo dadkooda.

Xukuumadda Koofur Afrika ayaa ka gaabstay shaacinta liiska dadkaas maadaama aan la caddayn karin in ay tiradaan ku dartay dadkaas ay la baxeen Dowladahooda.

Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa oo dhawaan ka hadlay kacdoonka dadkiisa ee ka dhanka ah Soogalootiga ayaa sheegay in ay dib u celin doonnaan Ajaanibta aan haysan sharciga Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here