Home WARARKA MAANTA WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Dani oo Gaalkacyo kaga dhawaaqay Arin lama...

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Dani oo Gaalkacyo kaga dhawaaqay Arin lama Filaan ku noqotay Dad badan.

2
0

Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ka hadlaya Gaalkacayo ayaa sheegey in aanu mar kale musharrax u ahayn Puntland, isla markaasna uu dhisayo qofka xisbiga xukuumadda ee Kaah sharraxo.

“Dastuurku laba jeer ayuu ii oggol yajay hoggaanka PL, labadii jeerna waan lay doortay, laba sanno ayaa ii hadhay, ninka doonaya xilka ha iskeeno doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeenna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhiseynaa.”

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya, hadal-hayn ka taagnayd furista Dastuurka Puntland, iyada oo mucaaridka ay ka weleelsanaayeen in mar saddexaad uu xilka ku soo laaban karo Deni.

Waxa la wada filayaa in Madaxweyne Deni uu u taagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa se goorhoreba bilaaban doona loolanka cidda Deni u dhisi doono Puntland, 2029-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here