Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Waxaan dib u eegnay muuqaalka dhacdada toogashada, waxaanna hadda xaqiijinay in weerarku ka dhacay bannaanka dhismaha xafiiska gobolka, ee aysan ahayn gudaha, sida wararkii hore lagu sheegay.
Muuqaalka ayaa muujinaya Chalong oo qori ku liishaya qof ku jira baabuur madow.
Muuqaal kale oo ay baahisay warbaahinta maxalliga ah ee Thairath ayaa muujinaya Chalong oo qoriga jeebka gashanaya isagoo goobta ka sii socda.
Ninka lagu eedeeyay toogashada oo la yiraahdo Chalong Reawraeng, ayaa saddex xilli soo noqday xildhibaan baarlamaanka Thailand, waxaana markii ugu dambeysay uu ka tirsanaa xisbiga Pheu Thai.
Ninkan oo 71 jir ah ayaa sannadkii 1997 lagu naanaysi jiray “cobra” (mas) , oo ah erey siyaasadeed oo Thailand looga isticmaalo xildhibaan ama siyaasi ka hor yimaada mowqifka xisbigiisa, kaddib markii uu u codeeyay musharrax raysal-wasaare oo ka socday xisbi kale.
Doorashadii ugu dambeysay ayuu isu sharaxay isagoo ka socday xisbiga talada haya ee Bhumjaithai, balse kuma guulaysan inuu kursi helo.
Qofka uu toogtay, Thongchai Yenprasert, waa sarkaal hore oo booliis ah, wuxuuna hadda yahay guddoomiyaha Ururka Maamulka Gobolka Nonthaburi.
Ninkan oo 71 jir ah ayaa ku biiray ciidamada booliiska sannadkii 1984, wuxuuna soo noqday ku-xigeenka taliyaha iyo taliyaha saldhigyo booliis oo dhowr ah oo ku yaalla degmada Nonthaburi, oo ku taalla duleedka Bangkok.
Sannadkii 2004 ayaa loo magacaabay madaxa hay’adda maamulka gobolka.
Toogashadii dhacday Isniina maanta ah ayaa timid saddex maalmood oo keliya kaddib markii wiil 14 jir ah uu weerar toogasho ah ka geystay gurigooda iyo iskuulkiisa, sidoo kale gobolka Nonthaburi ee ku dhow caasimadda Thailand ee Bangkok.
Wiilka ayaa guriga ku soo dilay awoowgiis iyo ayeeyadiis, kaddibna wuxuu rasaas ku furay macallimiin iyo arday iskuulka ku jiray, ugu dambayntiina isagaa ayaa isku dilay isla qoriga.







