Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa magacaabay Guddiga ka shaqaynaya Dhismaha iyo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood oo xarun u ah Dowlad-Goboleedkaas.
Madaxweyne Firdhiye ayaa xubnaha uu magacaabay kasoo dhex xulay Wasiirrada iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari isaga oo kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan waajibaadka loo igmaday.
Guddigaan oo ka kooban 11 xubnood ayaa kala ah:
1-Wasiir Axmed Cabdi Shire—Gudoomiye
2-Xil. Sh Aadan weli Cabdi Xuseen
3-Wasiir Saynab Cabdiraxmaan Calawaash
4-Wasiir Cabdiqani Xuseen X.Hiirad
5-Wasiir Jaamac Faarax Muuse
6-Xil. Sh Maxamuud Salaad Warsame
7-Mud. Abshir Aadan Maxamuud
8-Guddoomiye Mud. Jaamac Yaasiin Warsame.
9-Mud. Jaamac Cabdi Askar
10-Mud. Maxamed Saalax Ciise
11-Mud. Yuusuf Ducaale Cumar
Maamulka Waqooyi Bari ayaa xoogga saaraya dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood si casri ah iyada oo guddiga howshaan loo xilsaaray lagu wado in uu ka kulmo sidii shaqadaan loo dadejin lahaa.







