Home WARARKA MAANTA Wararkii ugu dambeeyay doorashada guddoomiyaha BF oo maanta dhaceysa

Wararkii ugu dambeeyay doorashada guddoomiyaha BF oo maanta dhaceysa

2
0

Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka dhaceysa Muqdisho, sida uu horay jadwal ugu shaaciyay guddiga maamulaya doorashada.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa saaka ka socota xarunta Villa Hargeysa oo ay haatan kusii qulquayaan Xildhibaannada Baarlamaanka, si ay usoo doortaan guddoomiye rasmi ah.

Doorashadan oo si weyn isha loogu hayo ayaa waxaa illaa iyo haatan ugu cad-cad Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qaatay shahaadada musharraxnimada, kadib markii uu isku diiwaangeliyay doorashada, wuxuuna olole ballaaran ka sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Jaamac oo hadda ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya ayaa wxaa la tartami doono Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin oo loo yaqaano (Daada) oo isna shahaadada ka qaatay guddiga maamulka doorashada.

Labadan musharrax ayaa hadda isugu soo haray tartanka, maadaama ay horay u tanaasuleen musharrixiintii kale, waxaana ugu dambeeyay Saadaad Caliyow oo maalmo kahor ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka, kadib heshiis uu la gaaray Jaamac, kaas oo ay sidoo kal garwadeen ka ahayd Villa Soomaaliya.

Musharrax Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda hadda jirta ayaa la filayaa inuu soo buuxiyo kursigii uu baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), wuxuuna taageerada ugu badan ka helayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhanka kale, ninka la tartamaya Jaamac oo kasoo jeeda degmada Tiyeeglow ayaa loo arkaa malxiis oo kaliya, taas oo dhalisay falcelin xooggan.

Si kastaba, diyaargarowgii u dambeeyay ee doorashada ayaa hadda ka scoda Muqdisho, iyada oo shalay Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay kormeer ku tagtay goobta loo diyaariyey in ay ka dhacdo doorashada.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray hubinta diyaar-garowga goobta loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada, iyadoo sidoo kale la eegay habraacyada iyo agabka loogu talagalay in loo adeegsado howlaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here