Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo saraakiil la socota ayaa gaaray Turkiga kaddib markii ay casumaad ka heleen dhiggooda Ankara oo ay kawada hadlayaan arrimo dhowr ah.
Sida ay muujinayaan xogaha ay heshay Mustaqbal Media, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhiggiisa Turkiga kala hadli doonna xoojinta wadashaqaynta, iskaashiga ciidan, taageerrada tababarrada iyo kala shaqaynta dedaallada lagu xoojinayo Amniga Dalka.
Turkiga ayaa Soomaaliya u tababara ciidamo u badan Kumaandooska Gorgor kuwaas oo ku howlgalla hubka iyo gaadiidka dalkaas lagu sameeyay kuwaas oo wax badan ka baddelay muuqaallada ciidanka Soomaaliyeed.
Mustaqbal







