Home WARARKA MAANTA Ciidanka PSF ee Gaalkacyo laga qabsaday oo dib u dejin loogu sameeyay...

Ciidanka PSF ee Gaalkacyo laga qabsaday oo dib u dejin loogu sameeyay Galmudug

3
0

Talaado 11 Aog 2026 {CBB}Ciidan katirsan PSF oo dhowaan xeradii ay ku sugnaayeen ee Bariga Magaalada Gaalkacyo ay ka qabsadeen Ciidamada Maamulka Puntland ayaa gaaray Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Ciidamadaan ayaa dib u dejin loogu sameeyay Xero ciidan oo ku taalla Xananbuure halkaas oo ay ku sugnaan doonnaan ilaa isbaddel ama amar kale uga imaan doonno Dowladda Federaalka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

PSF oo ah ciidamo si gaar u tababaran oo horay taakulo uga heli jiray Maraykanka ayaa u wareegay dhinaca Dowladda Federaalka oo muddo mushaarkooda iyo qalabkooda ciidan bixinaysa iyada oo wajahay culays uga yimid dhinaca Maamulka Siciid Deni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si dhab ah uma shaacin qorshaha ciidankaan ay ka leedahay maadaama awood looga soo saaray saldhiggii ay ku lahaayeen Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here